Lasocodka Ciise

With mentor • 9 lessons • 0 students

Waa maxay ‘Lasocodka Ciise Masiix’?

‘La socoshada Ciise' waa safarkaaga gaarka ah si aad u noqoto Masiixi ah oo qaan-gaar ah adiga oo ka tanaasulaya dariiqooyinkaagii hore oodhan iyo inaad aad iyo aad unoqoto sida Ciise Masiix oo kale. Ciise wuxuu kuugu yeedhay inaad Ilaahay ka jeclaato qalbigaaga, naftaada, iyo maskaxdaada oo dhan, iyo in aad deriskaagana u jeclaato sida naftaada aad ujeceshahay oo kale Iyo in xer laga dhigo quruumaha oo dhan, oo la baabtiiso oo labaro inay dhawraan waxyaabaha ilaah ku amray inay dhawraan. (Matayos 28:19-20)

Waxa laynooga yeedhay mugdiga iyadoo nuurka laynoogu yeedhay

‘La socodka Ciise’ waxaad diiradda ku saari doontaa sida Ciise kuugu yeedhay inaad noqoto xertiisa. Waxaa laynooga yeedhay gudcurka iyadoo rabbigu inoogu yeedhay xagga iftiinka, waxaa laguugu yeedhay inaad hortiisa joogtid, oo aad samaysid doonistiisa. Sidaa darteed Koorsadan waxaad heli doontaa tababar ku saabsan mowduucyada soo socda:

badbaadada, waqtiga deggan, kaniisadda, abuurista Ilaah araggiisa inaga abuuray, samaynta doonista Ilaah, Ruuxa Quduuska ah, dagaalka ruuxiga ah iyo wacdinta. Waxyaabo practical ah ayaa kaa caawin doona inaad u beddesho aragtiyahan ficil ahaan.

WAXAAD CASHARADDA WADA BARAN DOONTAAN SAAXIIBKAA

Koorsada, waxaad sidoo kale u tahay lataliye ama hage saaxiibkaa. Cashar kasta oo aad baratay waxa marka hore eegaya adiga hagahaaga. Markaad fahamto casharka ee su’aalahaagii uu kaaga jawaabo dhamaan hagahaagu kadib, adiga iyo saaxiibkaa waxaad bilaabi doontaan inaad kawada shaqeysaan isla casharkii. Waxaad hubin doontaa jawaabaha saaxiibkaa oo aad usheegi doontaa waxa aad u malaynayso inay wanaagsantahay ama sax tahay adigoo u iftiiminaya meelaha madmadowgu kaga jiro.

Cashar kastaa waxa uu ku soo dhamaan doonaa hawl ama laylis loogu talo galay inaad adiga iyo saaxiibkaa aad kawada shaqaysaan.

Koorsadan la socodka Ciise Masiix waxay ka kooban tahay 8 cutub, oo mid kastaa uu ka kooban yahay 3 ama 4 cashar. Isku day inaad dhammaystirto hal cutub oo kaliya todobaadkii; Markaas, koorsadu waxay socon doontaa illaa 8 toddobaad. Tani waxay kuu ogolaanaysaa inaad si qoto dheer uga fikirto nuxurka ruuxiga ah ee kujira casharada, iyo inaad horumariso xidhiidhka shaqsiga ah ee aad la leedahay lataliyahaaga si aad ugala hadasho su’aalahaaga iyo noloshaada ruuxiga ah. Sidaa darteed waxaan sidoo kale kaa fileynaa inaad adigu soo qorto wax kasta oo aad adigu soo gudbiso, adigoon isticmaalin qalabyada AI sida ChatGPT.

CASHARADDA

1.      Mugdiga Looga Yeedhay Iftiin:

1.1.   Waxaa naloo yeedhay inaan raacno Sayidkeenna

1.2.   Dembi iyo Natiijadiisa

1.3.   Dambiga iyo Ceebta oo laga qaaday

2.      2.Loogu Yeedhay inuu Joogo Joogitaankiisa:

2.1.   Barashada Erayga llaah

2.2.   Ducada awoodda badan

2.3.   Khushuucda iyo Xifdinta

3.      Loogu Yeedhay inuu Noqodo Aroosadiisa:

3.1.   Dhalashada kaniisaddii ugu horraysay

3.2.   Waa Maxay Kaniisaddu??

3.3.   Doorka aad adigu kuleedahay kaniisadda

3.4. In midba midka kale ugu adeego kaniisadda dhexdeeda

4.      Loogu Yeedhay inuu Muujiyo Muuqaalkiisa:

4.1.   Waxa Laynaga Abuuray Suuraddiisa llaah

4.2.   U ekaantii llaah waynu ku dembaabnay markale ayaana laynoo cusboonaysiiyay

4.3.   Labka iyo dheddigga

4.4.   Daryeelka Abuurista llaah

5.      Loogu Yeedhay inuu Sameeyo Doonistiisa:

5.1.   Samaynta Doonista Ilaah

5.2.   Garashada Doonista Ilaah

5.3.   In La Jeclaado Lana Aamino Doonista Ilaah

6.      Waxa laynoogu yeedhay inaan Midho Yeelanno:

6.1.   Helidda midhaha Ruuxa Quduuskaa ah

6.2.   Midhaha Ruuxa quduuska ah qaybta 1aad

6.3.   Midhaha Ruuxa quduuska ah qaybta 2aad

6.4.   Hadyadaha Ruuxa Quduuska ah

7.      Waxaa naloo yeedhay inaan feejignaanno:

7.1.   Dagaal Ruuxi ah

7.2.   Dhagarta Shaydaanka

7.3.   Saarista Jinniyada (Deliverance from Demons)

8.      Loogu yeeray inay noqdaan Markhaatiyaal:

8.1.   Amarkii Weyn (The Great Commission)

8.2.   La Wadaagista Warka Wanaagsan

8.3.   Jacaylka iyo Cadaaladda

9. Tallaabooyinka ugu danbeeya

Start course