Noloshi Ciise Masiix

With mentor • 16 lessons • 11 students

Ku soo dhawoow koorsada 'Noloshii Ciise'! Ka fiirso nolosha Ciise ee Injiilka Luukos, filimka ugu daawadayaasha badan ee taariikhda adduunka. Halkan waxaad kubaran doontaa 15 cashar oo mid waliba wato clip video kooban oo filim ah, ka dibna ay su‟aalo ku xigaan. Waxaad heli doontaa lataliye khaas ah oo ku siin doona jawaabaha su'aalahaaga kaas oo aad weydiin karto su'aalo wixii aad qabto. Hagahagaagu wuxuu caadi ahaan kaaga soo jawaabi doonaa suaalahaaga casharka 24 ilaa 48 saacadood gudahood. Dhamaadka koorsada waxaad heli doontaa shahaado haddii Ka qaybqaadashadu ay noqoto mid uu ku qanco hagahaagu. Waxaan kugula talineynaa inaad qaadato 1 ama 2 cashar maalintii. Tani waxay kuu ogolaanaysaa inaad si qoto dheer uga fikirto nuxurka ruuxiga ah ee kujira casharada, iyo inaad horumariso xidhiidhka aad ladeehay lataliyahaaga si aad ugala hadasho su'aalahaaga iyo noloshaada ruuxiga ah. Sida ugu fiican waxay tahay in aad qaadato dhowr toddobaad si aad sifiican uga bogato dhammaan koorsada. Sidaa darteed waxaan sidoo kale kaa fileynaa inaad soo qorto wax kasta oo aad adigu soo gudbiso, adigoon isticmaalin Garaadka macmalka ah ee AI sida ChatGPT. Waxaan rajaynaynaa inaad ku raaxaysato koorsada, iyo inay kaa caawin doonto inaad u dhowaato Ilaah!

Start course